Su’aalaha ku saabsan dyslexia?



Yüklə 21,29 Kb.
Pdf görüntüsü
tarix14.04.2018
ölçüsü21,29 Kb.
#38062


Su’aalaha ku  

saabsan dyslexia?

Ilmahayga caawimaad dheeraad ah 

ma laga siiinayaa imtixaannada?

Caruurta ay waxbarashadu si gaar ah ugu adagtaahay waxaa 

laga yaabaa inay xaq u leeyihiin in imtixaanka waxyaabo 

dheeraad ah la siiyo, sida imtixaanada heerka muhiimka ah 

(SATs) ama koorsooyinka GCSE/ A levels. 

Caadin waqti dheeraad ah ayaa la siiyaa, ama ka caawin aqrinta 

su’aalaha iyada oo hadba ku xidhan baahida ilmahaada. 

Caawimaadda noocan ah waxaa loo yaqaannaa habaynta galidda. 

Habaynta galidda ee gaarka ah waxaa loo baahanyahay in la sii 

diyaariyo imtixaanka ka hor, marka la hadal SENCO-ga 

ilmahaada si aad u ogaato waxa ay taageero siin karaan.  

Ma jiraan kooxo taageero oo aan 

kula kulmi karo waalidiin kale oo 

arrintan ila qaba? 

Iskuullada iyo Dowladaha Hoose ayaa xiriir la leh kooxo 

taageero oo ay kugu xiri karaan, ka dalbo macllinkaada 

taageero. 

Waxaa jira shabakado kala duwan oo taageera waaliddiinta leh 

caruurt ay waxbarashadu ku adagtahay, arag xiriirradaanada.

Xiriirro

Xog ku saabsan hab dhaqan wanaagsan iyo taageerada caruurta 

iyo da’ yarta qaba Disleksiya:

The Dyslexia-SpLD Trust 

01344 381 564 ama info@thedyslexia-spldtrust.org.uk

www.interventionsforliteracy.org.uk

www.thedyslexia-spldtrust.org.uk

Xarunta Disleksiyada ee Helen Arkell 

01252 792 400 ama enquiries@arkellcentre.org.uk

www.arkellcentre.org.uk 

Kooxaha deegaanka ee taageeridda iyo la talinta: 

Jamciyadda Biritishka ee Disleksiyada  

Helpline 0845 251 9002 ama helpline@bdadyslexia.org.uk

www.bdadyslexia.org.uk 

iyo

Dyslexia Action



01784 222 300 ama info@dyslexiaaction.org.uk

www.dyslexiaaction.org.uk




Waa maxay disleksiya?

Disleksiya hadda si fiican ayaa loo fahamsanayahay, laakiin wali 

way jaha wareerin kartaa dadka ay ku dhacdo. 

Disleksiya sida badan waxay saamaysaa barashada xirfadaha 

aqrinta iyo higgaadinta. Caruurta ay hayso Disleksiya waxaa ku 

adkaado isticmaalka foonikiska si ay erayada usoo saaraan; 

waxaa ku adag kala googoynta dhawaaqa erayada sida badanna 

waxaa ku adkaada xasuusashada wax lagu hadlay, sida waxa la 

faro oo kale. 

Caruur badan oo qaba Disleksiya ayaa sidoo kale mashaakil ka 

haystaa isla socodsiinta xibnaha ama shaqada xisaabeed ama 

aruursanaanta iyo ahmiyad siinta. Mashaakilkan ka mid ma aha 

Disleksiyaha, laakiin waxay ka qayb qaadan karaan inay ka 

dhigaan Disleksiyaha mid ay adagtahay wax ka qabashadiisa.  

Disleksiya waa mashaakilka waxbarasho midka ugu badan oo 

waxay si ba’an u saamaysaa in ku dhowdhow 10% dadka oo dhan. 

Dad badan oo ay hayso Disleksiya aan aad u buurnayn ayaa 

iskuulka guul ka gaadhay iyaga oona jirin wax caawimaad ah oo 

dheeraad ah oo ay heleen. Dadka ay hayso midda aadka u daran 

waxay u baahanayaan taageero joogto ah inta ay iskuulka ku 

jiraan. 

Sideen ku garanaayaa in ilmahayga 

laga yaabo inuu leeyahay Disleksiya? 

Sida badan calaamadaha ugu horreeya ee Disleksiya waxay u 

muuqdaan sidii mashaakil barasho aqris, qoraal, ama higgaad. 

Laakiin mashaakilkan waxaa keeni karo maql ama arag xumo ama 

nooca waxbaridda. Haddii meesha laga saari karo arrimahan kale 

oo ay dhibaatadiina sii socoto markaa Disleksiya ayay noqonaysaa 

sababta ugu dhow ee keenaysa dhibaatooyankan adkaanta 

barashada aqriska, qoraalka iyo higgaadda. 

Disleksiya waxay sida badan ku timaaddaa hiddo; haddii ay jirto 

taariikh higgaadin xumo ama barashada aqriska, waxay u 

dhowdahay in ilmaha mashaakilka haystaa ay la xidhiidho Disleksiya.  

Waxaa jiro calaamdo hore oo lagu garan karo Disleksiyada xitaa 

ka hor inta aan la billaabin wax aqrinta rasmiga ah ee iskuulka. 

Waxaa ka mid ah calaamadahan: ina ku adagtahay ilmaha 

hooriska; magacyada waxyaabaha oo iskaga qasmo; ku adkaasho 

barashada ku dhawaaqa (ama magacyada) xurrufta alif baa’da.  

Markuu cabbaar iskuulka ilmaha dhigto ka dib, calaamadaha laga 

fiiriyo waxaa ka mid ah ku dhibaatood xasuusashada waxa la faro 

iyo guud ahaan inuu u ekaado inuu illowsho badanyahay nolol 

maalmeedkiisa; ku dhibaatood xasuushada magaca saxda ah ee 

waxyaabaja iyo dadka; hubid la’aan xarakaynta erayada dhaadheer 

ku dhibaatood u kala jabinta erayada unugyo yaryar oo dhawaaq. 

Maxaan sameeyaa haddaan u 

malaynayo inuu ilmahayga 

leeyahay disleksiya? 

Waxa ugu horreeya ee aad samaynayso waa inaad la hadasho 

ilmahaada macallinkiisa. Dugisyada hoose ee waayahan baridda 

aqrinta ee hore ee uu ilmo kasta helo waa mid ku habboon 

caruurta leh Disleksiya. Hase ahatee macallimiintu waxbay ka 

baddali karaan barnaamijka kuna dari karaan haddii uu jiro walwal 

– waxaa laga yaabaa inaad ogaato inay horayba u samaynayaan 

arrintan. Iskuullada waxay sidoo kale u heli karaan caruurta dib u 

dhacdo barnaamijyo dheeraad ah. 

Haddii aad wali walwasantahay ama ilmahaada uusan horay u 

soconin, markaa ballan la samayso Iskuduwaha Baahiyaha 

Waxbarasho ee Gaarka ah (SENCO) ama madaxa iskuulka si aad 

ogala hadasho wixii khiyaarro kale jira, oo ay ka mid tahay qiimayn. 

Ilmahayga ma baran doonaa 

aqriska, qoraalka iyo higgaadda? 

Hadday helaan taageero ku habboon, ilamaha disleksiyaha qaba 

sida caadiga ah way karaan inay wax aqriyaan, qoraan oo ay 

higgaadiyaan; in kasta oo ay waqti ka dheer kuwa kale ku 

qaadanayso.  

Tiknooloojiyada wax caawisa sida telefoonada xariifyada ah iyo 

kumbuyuutarrda gacanta ayaa caruur badan oo disleksiya leh 

ku caawiyay ina si wax ku oo ah u xiriiraan. 

Sideen ku ogaan karaa inuu 

ilmahaygu disleksiya qabo? 

Dugsiyada waayahan waxay sameeyeen imitixaanno degdeg ah 

oo sahal ah oo ay ku dabagalaan horusocodka ilmaha kuna 

ogaadaan calaamadaha hore ee Disleksiya. Haddii ay jiraan 

calaamado tilmaamaya inay jiri karto Disleksiya oo aan horumar 

wanaagsanna uusan suuro galin, waxaa la smayn karaa 

qiimayn uu iskuulka ku samaynayo macallin aqoon gaar ah u 

leh ama aqoonyahanka cilmi nafsiga waxbarasho.  

Qiimayntan waxay sawir ka bixinaysaa meelahaada ku 



fiicanyahay iyo meelaha uu ku xunyahay, iyo waliba talooyin. 

Yüklə 21,29 Kb.

Dostları ilə paylaş:




Verilənlər bazası müəlliflik hüququ ilə müdafiə olunur ©genderi.org 2024
rəhbərliyinə müraciət

    Ana səhifə